Wararka
Madaxweyne Deni oo la kulmay Qaar ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Jubaland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudenayaal ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowlad goboleedka Puntland, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Siyaasiyiin Xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ganacsato, hogaan dhaqan iyo xubno ka socda ururada Bulshada.
Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii uu soo martay dowlad goboleedkaan iyo horumarada la sameeyay.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay warbixinta Hogaanka dhaqanku siiyeen, wuxuuna kula dardaarmay illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka.
“Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka Jubaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland” Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani).