Wararka
Madaxweyne Deni oo ka tacsiyeeyay weerarkii galabta lagu qaaday xafiiska Duqa Muqdisho.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii galabta lagu qaadayiyo xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Banadir waxaa uuna sheegay uu tiiraanyada iyo xanuunka la qaybsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay qaraxaasi, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabka iyo masuuliyiinta dowladda ee ku nafwaayey weerarkaas.
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida walaalaha Soomaaliyeed ee ku nafwaayey qaraxaasi, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigooda dhaafo, kuna abaalmariyo Janatul Fardawsa, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo asxaabtii ay ka baxeen shacabkii iyo masuuliyiintii dowladda”ayaa lagu yiri qoral kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland.