Wararka
Madaxweyne Deni oo dowlada iyo Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay baaran muqaal ay baahisay wargayska New York times.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowlada Federaalka ka codsaday in ay xaqiijiso Muqaal looga hadlaayo waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya oo loosoo qaatay falal ka dhacay Boosaaso, iskuday iyo dilkii loo geystey maareeyihii shirkadda DPWorld kaas koo lagu daabacay wargayska New York times ee kasoo baxa dalka Maraykanka.
Madaxweynha Puntland ayaa sheegay in arrinkaa uu abuuray tuhin ay dadka qaar qabeen kaas oo ahaa in in falal badan oo xasiloonida lagu dhaawacaayo in meelo ka baxsan Puntland laga soo abaabula taas oo wejiyo kale loo yeelayo.
“DFS waxaan ka codsanaynaa inay xaqiijiso waxa New York times qorayso oo ah maqaal oo looga hadlaayo waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya oo loosoo qaatay falal ka dhacay Boosaaso, iskuday iyo dilkii loo geystey maareeyihii shirkadda DPWorld, waxaan ka codsanayaa goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in arrintaasi baadhitaan dhaba lagu sameeyo ma oranaayo waa xaqiiqadii ugu dambaysey, lakiin waxay abuurtay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen in falal badan oo xasiloonida lagu dhaawacaayo in meelo ka baxsan Puntland laga soo maleegaayo oo wejiyo kale loo yeelayo, waxaan aad u codsanayaa in baadhitaan dhaba lagu sameeyo”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Sidoo kale madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay masuuliyiin dhowaan lagu xidhay Boosaaso, waxaa uuna Madaxweynuhu xusay in sharcigu cidkasta ka weyneyn yahay.
“Waxa aan ka shaqaynaynaa waa wax danta Puntland iyo tan Soomaaliya ah, waxaan aad uga xumahay dadka akhyaarta ah oo qayb badan saaxiibaday tahay oo lagu xidhay Boosasso, lakiin hadana waxaan ku kalsoonahay oo iyaguna aan rajaynayaa inay ku kalsoonaadaan sharciga, kala dambaynta, dowladnimada, nidaamka iyo waajibaadka Puntland inaan ilaalino, waayo sharcigu cidkasta sagaa ka weyn”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.
Dhawaan ayay aheyd markii uu madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mohamed Cabdullahi Farmaajo uu sheegay in xariga masuuliyiintaas uu kala hadlay madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullahi Deni.