Wararka

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Rugta Booliska deegaanka Xero Jaalle ee degmada Galdogob.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo Mashruuca balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe deegaanka Xero Jaalle ee degmada Galdogob.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen Xero Jaalle waxaa siweyn u soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, intaasi kadib wuxuu Madaxweynuhu dhaggax dhigay Rugta Booliska iyo mashruuca Balaarinta Dugsiga Hoose/Dhexe ee deegaanka Xero Jaalle oo ay ka shaqeynayso Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Intii uu ku sugnaa deegaanka Xero Jaalle Madaxweyne Deni, wuxuu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu ka dhegaystay baahiyahooda, waxaana markiiba uu Madaxweynuhu ka jawaabay baahida ugu weyn ee ay soo gudbiyeen dadka deegaanku isagoo faray Hay’addaha ay khuseyso in magaaladdaasi la geliyo sida ugu dhakhsiyaha badan Soolar-ka cadceeda ka dhaliya Korontada.

Weftiga Madaxwaynaha waxa ka mid ah Wasiiro ka tirsan xukuumada, Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Puntland, lataliyeyaal Madaxwayne, Maamulka Gobolka , Saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin kale.Image may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, cloud, sky and outdoorImage may contain: 10 people, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close