Wararka
Madaxweyne Deni oo dalka dib ugu soo noqday.
Madaxweynaha Dowladda Putland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu ku tagey dalalka Shiinaha Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, labada Gole ee dowlad goboleedka Puntland, dadweyne iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Dini oo todobaadyadii ugu danbeeyay dalka dibadiisa safar shaqo ugu maqnaa.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa madaxweyne Deni uga warbixiyay qasaaraha ay geysteen roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay deegaanada Puntland iyo xaalada guud.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa masuuliyiintii soo dhoweysay uga mahadceliayay soo dhoweynta waxaana uu sheegay in safarkiisa uu ahaa mid ku aadan horumarka deegaanada Puntland.