Wararka

MADAXWEYNE DALKA OO BOGAADIYAY GUUSHA LAGA GAARAY DEYN CAFINTA.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bogaadiyey guusha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ka gaareen barnaamijka Deyn Cafinta ayaa soo dhaweeyey heerka sare ee uu gaaray xiriirika iskaashi ee DFS iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’an tahay sii amba-qaadidda dadaallada horumarinta dhaqaalaha dalka, waxa ayna Soomaaliya qorsheynaysaa in ay xubin ka noqoto Hay’adda Dammaanad-Qaadka Caalamiga ah (Multi-Lateral Investment Guarantee Agency), oo ah tallaabo kale oo xoojineysa in dalkeenna ay ku soo hirtaan malgashadeyaasha caalamiga iyagoo aan walwal ka qabin masiirka hantida ay ku maalgashanayaan dalkeenna.

“Go’aankan taariikhiga ah keddib, Soomaaliya waxa ay fursad u heleysaa in ay dib ula fal gasho hay’adaha dhaqaalaha adduunka. Dib-u-habeynta qaabka maaliyadeed ee Qaranka Soomaaliya ee seddexdii sano ee ugu dambeysay ayaa horseedday xiriirkan.” ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.

madaxweynaha oo hadalkiisa sii wato ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hay’adaha heer caalami iyo heer gobol ee ku garab istaagay Soomaaliya sidii ay u xisaab xiri lahayd deymaha soo jiitamay ee culeysiyey tunka dhaqaalaheenna.

“Guushaan waxaa looga mira dhaliyay wada shaqeynta dowladda dhexdeeda ah iyo degenaashaha siyaasadeed ee aan muujinnay 3-dii sano ee lasoo dhaafay.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close