Wararka

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta –gareen oo hoosta ka xariiqay in ay u tagan yihiin dhaqan galinta heshiiskii 17 Sep 2020 lagu gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Aalada Fogaan Araga uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo manta si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka waxaa sidooo kale shirka ka qeybgalay Ra”iisul Wasaaraha Dalka Madaxda Dowlad Goboleedyada Wakiilada Beesha Caalamka iyo Dowladaha Daneeya Arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hadal jeedintiisa Madasha kaga Hadlay Arimaha Amniga,Doorashooyinka, Arimaha Siyaasada loo dhanyahay iyo Hormarada Degmooyinka ay ku tilaabsadeen.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta –gareen ayaa ugu Horeyn waxa uu ka hadlay Amniga Deegaanada Koonfur Galbeed iyo Labadii sano ee lasoo dhaafay waxyaabihii uqabsoomay waxaana uu xusay in lagu guulaystay Dib u xureynta Degmada Awdheegle, Sabiib, Caanoole, Janaale iyo Deegaano kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa sido kale ka hadlay Arimaha siyaasada loo dhanyahay ee Koonfur Galbeed oo Hormaro laga gaaray sida Dib-u-Heshiisinta, Xasiloonida Siyaasadeed, Deganaansho, Hirgelinta Dhismaha Golaha Degaanka Degmooyinka.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale Madasha kaga hadlay Arimaha Doorashooyinka Waxaana uu sheegey inay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17 Sep 2020 lagu soo gaaray Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Madaxda Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee la”isku Raacay Doorasho waqtigeeda ku qabsoonta Waafaqsan Heshiiska. Waxaana uu Sheegay Madaxweynaha in Marwaliba ay diyaar u yihiin Fulinta Qodobadii lagu Heshiiyey.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close