Wararka
Madaxweyne Biixi oo Qaabilay Wafdi ka socda Dowlada Kenya.

Xarunta madaxtooyada maamulka Somaliland waxaa lagu soo dhaweeyay wafdi heer Xildhibaano ah oo ka socday dalka Kenya waxaana Madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Abdi.
Wafdiga ayaa ka warbixiyay waxa uu ku saabsan yahay socdaalkooda iyadoo war qoraal ah oo lagu soo daabacay bogga warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland lagu sheegay in safarkaani uu daba socday waftiyo dhawr ah oo labadii sanno ee u danbeeyay ay is dhaafsanayeen maamulka Somaliland iyo Dowlada Kenya.
Sidoo kale u jeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu yahay sii adkeynta xeriirka Iskaashi ee dhinacyada siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska ee ay leeyihiin Somaliland iyo Kenya.