Wararka

Madaxweyne Biixi oo Madaxtooyada Somaliland kulan kula qatay Qunsuulka cusub ee Itoobiya u joga Mamulkasi.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hoyga Madaxtoyada Somaliland ku qaabilay Qunsuulka Dowlada Itoobiya dhawaan u soo magacowday Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.

Kulankaan oo ahaa mid soo dhaween ah ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac ee iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa kulanka ku wehlinaayay Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Dowlada Itoobiya ayaa Geeska Africa ka waddo dadaalo la’iskuugu soo dhaweynaayo dalalka Mandaqadaan ku yalla iyadoo kaalin baaxad leh ka geeysatay waddahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka furmay Dalka Jabuti.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close