Wararka
Madaxweyne Biixi oo kulan la qaatay safiirka Ingiriiska u Jooga Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta kulan la qaatay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Amb. Ben Fender.
Kulanka uu madaxweyne Biixi la qaatay safiirka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha ammaanka, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada dowlada Soomaaliya iyo Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminaayay Amb. Ben Fender waxaa uuna amaanay dadaaladda ay ku bixiniyaan waddahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.
Ugu danbeyn madaxwenaha Somaliland ayaa madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha waxaa kulankaan wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha.