Wararka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay go’anka ay Golaha shacabka ku ansixiyeen qodobka Dorashoyinka.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay maanta meel mariyeen.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay inay tani dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalka u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

“ waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arrin soo socotay Sanadahii lasoo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeenna” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo dadaal hagar la’aan ah oo dhammaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close