Wararka
Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad ka hor jeediyay Guddiga Jogtada ee golaha aqalka sare.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe ayaa maanta hortagay Xildhibaanada golaha aqalka sare ee Baarlaamanka Soomaaliya waxaa uuna ugu warbixiyay xaalada amaanka dalka iyo qodoba kale oo muhiim ah.
Gudoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlaamanka Soomaaliya Sanater Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa madaxweyne Axmed Islam kusoo dhaweeyay xarunta golaha Aqalka Sare.
Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa madaxweynaha Jubbaland ku amaanay sida ay uga go’antahay sidii uu door muhiim ah uga qaadan lahaa geedi socodka siyaasadda dalka iyo sidii dalkan ay uga dhici lahayd doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda.