Wararka
Madaxweyne Ahmed Maxamed Islaam oo kulan la qaatay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee kismayo kusoo dhaweeyay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo safar kusoo gaaray dowlad goboleedka Jubbaland.
Madaxweyne Ahmed Madoobe iyo Ambassador Yamamoto ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay kaga wada hadleen arimaha amniga iyadoo uu safiirka ugu mahadceliyay madaxweynah soo dhaweynta uu u sameeyay isaga iyo mas’uuliyiintii kale ee safarka ku welinaysay.
Sidookale Ambassador Donald Yamamoto ayaa madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) kala hadlay sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Safarkaan Ambassador Donald Yamamoto uu maanta ku tagay Magaalada Kismayo ayaa imaanayo iyadoo dowlada Jubbaland ay xariir wanagsan lalaheen dowlada federaalka, waxaa kale oo uu safarkaan ku soo beegmiyaa xili doorasha ay kusuu food ledahay dowlad goboleedkaan Jubbaland.
Safiirka ayaa madaxweynaha kala hadlay arrimaha doorashooyinka Jubbaland waxaa uuna kula dardaarmay in doorashooyinka lagu wada in ay ka dhacaan magaalada Kismayo ee xarunta kumeel-gaar ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ay ku qabsoomta sidii loo bahnaa lana ilaaliyo sharciga.