Wararka
Madaxweyne Ahmed Madoobe oo qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday Hay”adaha Qaramada Midoobay.
Madaxweyne axmed madoobe iyo james oo kulan yeeshay ayaa kawada qodobo kala duban oo quseeya labada dhinac.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinkana wuxuu sheegay in la isku raacay in Arimahaas looga danbaynayo gudiga doorashooyinka iyo odayaasha dhaqanka.
Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa dhankiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu Jubbaland uga Tacsiyeeyay weerarkii lagu qaaday Hotel cascasey oo ay ku dhintiin in kabadan 26 ruux kuna dhaawacmeyn 56 kale. Safiirku ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Dowlada iyo shacabka Jubbaland oo xanuunka ay la qabsanayso.