Wararka
Madaxweyne Ahmed Madoobe oo kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaanka Cabdalla Biroole.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) ayaa maanta booqasha uu ku tagay deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubada Hoose waxaa uu kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka deegaankaas.
Odayaasha dhaqanka ayaa madaxweynaha waxa ay u soo jeediyeen cabashada ay qabaan iyo sida ay u daneeniyaan in ay helaan adeegyada aas-aasiga ah.
Madaxweynaha ayaa odayaasha deegaanka ka dhagaystay baahiyaha halkan ka jira isagoo balan qaaday in la dardar galin doono Adeegyada aas-aasiga sida Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Deeganka Cabdalla Biroole ayaa waxaa ku sugan ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo uu deegaankaas yahay mid istiraatiji u ah dowlad Goboleedka Jubbaland.