Wararka

Madaxweyne Ahmed Islam oo warbixin ka dhagaystay maamulka Garoonka diyaaradaha Kismayo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka dhageystey warbixinta sanadlaha Hay’adda maamulka garoonka Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Mareeyaha garoonka Cabdullaahi Aden Maxamuud (Jagadoon) ayaa soo bandhigay warbixin dheer oo ku saabsan  waxyaabaha ugu muhiimsan ee sanadkan u qabsoomey sida; Horumarinta Amniga Garoonka, Diiwaangelinta Shirkadaha diyaaradaha iyo ruqsad siinta marinada diyaaradaha, Hirgelinta 11 xafiis waaxeed oo garoonka ka howlgala si sare loogu qaado adeega bulshadu garoonka ka helayso, Dejinta nidaamka duulimaadyada iyo hormarinta adeegga bulshada, Tababarka iyo kordhinta shaqaalaha, Kordhinta ilaha dakhliga garoonka, Hirgelinta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqa iyo qodoba kale oo badan.

Maamulka garoonka ayaa sheegay in 10kii bilood ee ugu danbeeyey uu garoonku qaabiley 1,787 ( Kun todobo boqol iyo sideetan iyo todobo) duulimaad oo isugu jira duulimaadyo gaar ah, kuwa rakaab, kuwa beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka, sidookale rakaabka duulimaadyadaas ee 10kii bilood ayaa noqdey 91,216 (Sagaashan iyo kow kun labo boqol lix iyo toban) qof.

Sido kale maamulka garaanka ayaa sheegay in Magaalada  kismaayo ay 10kii bilood ee ugu danbeysey ka dhoofeen dad gaaraya 44,425 ( Afartan iyo afar kun afar boqol labaatan iyo shan) halka ay yimaadeen 46,791 (Afartan iyo lix kun todobo boqol sagaashan iyo kow) qof taas oo wadarta ka dhigeysa 91,216 qof inuu qaabiley garoonka Sayyid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.

Maareeyaha ayaa sidookale xusey caqabadaha iyo baahiyaha ka jira garoonka kuwaas oo uu maareeyuhu madaxweynaha u gudbiyey kana codsadey xalkooda iyo haqabtirka baahiyaha jira si adeega garoonku u noqdo mid dowlada iyo bulshadaba siiya adeeg dhameystiran.Image may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting, beard and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: one or more people and text

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close