Wararka
Madaxweynayaashii hore ee dalka oo madaxweynaha ka codsaday in uu faragalinta ka daayo dowlad gobolada dalka.
Madaxweynayaashii hore ee dalka ahna hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyada Qaran oo qabtay shir saxaafadeed ay kaga hadlaayeen mowqifka Madasha ee xaaladda guud ee dalka ayay ku muujiyeen suurta galnimada in ay doorashada dib u dhacda.
Sidoo kale madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa masuuliyiinta dowlada ku eedeeyay in ay ka gabaiyeen wixii loo igmaday iyo mas’uuliyaddii qaran ee lagu aaminay, gaar ahaan maareynta marxaladda kala guurka ee doorashooyinka, xiriirka dowlad goboleedyada iyo hirgalinta nidaamka federaalka, xiriirka arrimaha dibadda, gaar ahaan isdhexgalka la sheegay inuu dhexmarayo Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea.
Ugu danbeyn madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu shacabka horyimaado oo uu u caddeeyo mowqifkiisa, islamarkaana uu faragelinta ka daayo guddiga doorashada, iyo goloyaasha sharci dejinta sida ay warsaxaafadoodkooda ku sheegeen.
Madaxdii hore ee somaliya shariif sheekh axmed iyo xasan sheekh oo shir saxaafadeed ay ku qabteen muqdisho kaga hadlay qodobo dhowr ah Yahye Isse Sheikh
Posted by TUSMO TV on Wednesday, 10 June 2020