Wararka
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan wada qaatay.
Madaxweynaha dowlada federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa, intii lagu guda jiray Shirka 74aad ee Qaramada Midoobay, waxa uu wada hadallo kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Rajab Dayib Erdogan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiya iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.
Madaxweyne Maxamed Cabddulahi Farmaajo ayaa Magaalada New York ee Dalka Maraykanka kaga qayb galaayo shirka meertada 74-aad ee madaxda caalamka sanadkasto yeshaan.