Wararka
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan ku yeeshay Maraykanka.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Omar Geelle ayaa kulan ku yeeshay magaalada New York ee xarunta golaha Qaramada Midoobe.
Agaasimaha warfaafinta xafiiska Madaxweynaha Abdi Nuur Mohamed Ahmed oo ka hadlay kulanka labada masuul ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay walaalaheeda reer Jabuuti ku garab taagan tahay inay xaqiijiso tartanka ay ugu jirto kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee sanadka soo socda.
“Dowladdu waxay Jabuuti ku garab taagantahay inay xaqiijiso tartanka ay ugu jirto kamid noqoshada Golaha Ammaanka ee sanadka soo socda”. Ayuu ku yiri war-qoraal ah oo uu agaasimaha soo dhigay bartiisa Twetter-ka.
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in dowladah Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba wadan oo walaala ah kuwaas oo leh xeriir walaaltinimo oo aan sharuud ku xirneen. “Xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti waa mid ku dhisan dhiig-wadaag, isqaadasho iyo hiil walaaltinnimo oo aan shuruud ku xirnayn”. Ayuu yiri Abdi Nuur Mohamed Ahmed.