Wararka
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo maanta ku kulmay magaalada Gaalkacayo.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Gaalkacayo kula kulmay wefti balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Waxaa kulanka madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ka qayb ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Puntland iyo Galmudug.
Waxaa lagu wadaa in shir laba geesood ah ay yeeshaan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ee Puntland iyo Galmudug kaas oo laga soo saari doona war-Murtiyeed ku saabsan waxyaabaha muhiim ka ah ee laga wadahadlyo.