Wararka
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo soo garay Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda , Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) Wasiirro iyo xilidhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhoweey Madaxweynaha Puntaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kan Jubbaland Axmed Madoobe.
Labada madaxweyne ayaa la kulmi doono madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si loo dhameystiro waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka 2020/2021.
Sida lagu daabacay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA” Kulanka Labada madaxweyne maamul goboleed iyo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka dhici doona gudaha xarada xalane.
Halkaan ayaan Idin kula wadaago doonaa waxyaabaha ka soo baxa kulankaasi iyo wixii ku cusub ee nagu xirnow.