Wararka
Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Safiirada Beesha Caalamka oo goordhaw shir uga furmay Muqdisho.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu casuumay Beesha Caalamka waxaana kulanka ka hadlay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan isaga oo sheegay in uu boorinaayo in ay sii wada socdaan wada xaajoodka loogu jiro in la helo doorasha wada ogol ah.
“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar”- ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, kaddib kulankii maanta.