Wararka

Madaxweynaha yeman oo ciidamadiisa heegan galiyay.

Madaxweynaha dalka yeman -Rabbu Mansour Hadi ayaa hadal uu ka jeediyay Tv-ga dowlada yeman ee SABA waxaa uu kula hadlay ciidamada Militariga dalkaasi yeman isagoo sheegay in ay galaan heegan buuuxa kadib weerarkii sabtida ay kooxda Xudiyiinta ku qaadeen xiro lagu tababaro Malitariga ee ku taasho magaalada Marib.

Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa sidoo kale sheegay in kooxdaani aysan marnaba doonaynin nabad iyo waan-waan toona sidaasi owgeedna uu u baahan yahay in ciidamadiisa militariga ay feejignaan dheeri ah qabaan.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ku dhawaad 73 ruux halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeyn, sidoo kale weerarkaan oo ay dowlada korka ka saartay kooxda Xutiyiinta ayaa ilaa iyo haddda cid sheegatay jirin.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close