Wararka
Madaxweynaha Tunisia ayaa la dhigay isbitaal kadib markii cabsi laga dereemay xaaladiisa caafimaad.
Madaxweynaha dalka Tunis Baaji Qaa’id Sibsi la dhigay isbitaal, bil ka dib markii uu shaqada ka baxay.
92 jirkan ayaa la dhigay isbitaal ay leeyihiin meteriga dalkaasi maamlin nimadii shalay ahayd.
Xafiid qaa’id sibsi oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha ayaa sheegay in aabihiis la dhigay isbitaal sida uu u xaqiijiyey warbaahinta gudah ee dalkaasi,Tan iyo markii uu shaqada qabtay 1-dii July ee sanadkan Essebsi ayaa wuxuu ka soo muuqday oo keliya laba jeer meel fagaare ah.
Madaxweyne Baaji Qaa’id Sibsi aya xafiiska la wereegay ka dib markii xilka laga tuuray madaxweynhi isaga ka horeeyey Zine El-Abidine Ben Ali sanadkii 2011 ka,
Doorashooyinka baarlamaanka dalkaasi ayaa la filayaa in la qabto 6-da bisha Oktoobar iyada oo loo qaadayo codbixin madaxweyne ka dib Noofambar 17keeda .