Wararka

Madaxweynaha Soomaaliland oo maanta Magaalada hargeysa ee caasimada soomaaliland kaga qayb galay roobdoon laga tukadey.

Banaanbaxa  Alle lagu waydiisanaayey Raxmadiisa oo lagu qabtay Hargeysa ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Soomaaliland, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha maamulka, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, shacabka iyo waxgaradka Caasimada hargeysa.

Madaxweynaha  oo kahadlay goobta Alle lagu waydiisanaayey raxmadiisa ayaa waxa uu dhammaan shacab weynaha reer Soomaaliland ku booriyey kuna waaniyey inay is cafiyaan isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo ku keenaya Alleh ka fogaansho.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu Alle  ka baryey in uu abaarta ka dulqaado umadiisa uguna bedelo raxmadiisa, isla markaana Allaha Raxmaanka ahi uu ka aqbalo ducada iyo rabitaanka umadiisa ee ay saamaynta ku yeelatay roob la’aanta.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close