Wararka
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti ka Socda Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka Somaliland iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Saleebaan Maxamuud Aadan, wasiirka horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Cismaan iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Ahmed.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta Somaliland isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan.