Wararka
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Xubnihii Haweenka Ahaa Ee Aan Ku Guulaysan Tartankii Ay U Galeen Kuraasida Goleyaasha Wakiillada Iyo Deegaanka.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay murrashaxiintii haweenka ahaa ee ka qaybgalay doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-May-2021, islamarkaana aan ku guulaysan kuraasidii ay u tartameen.
Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo halkaas ka hadashay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadcelisay, kulanka uu la qaatay haweenka aan ku guulaysan damacoodii ahaa inay goleyaasha wakiillada iyo deegaanka kamid noqdaan, waxana ay caddaysay in kulankani ka yimi dhinaca madaxweynaha qaranka.
Gudoomiyaha dallada haweenka ee NAGAAD, marwo Ismahaan Cabdisalaan Xasan halkaas ka hadashay, ayaa sharraxday dedaalkii ay xubnaha haweenka ee sharraxani u galeen sidii ay u guulaysan lahaayeen iyo sidii ay xukuumadda iyo ururrada kale ee haweenka taageeraba uga go’nayd inay hablahaasi guul soo hooyaan, waxana ay si guud haween ugu soo jeedisay inaanay niyad jabin, siina wadaan dedaalkooda.
Xubno kamid ah haweenkii murrashaxiinta ahaa ee aan guulaysan oo ay kamid yihiin, marwo Dalays Shire Faarax, Marwo Sacda Aw Muuse Axmed, Marwo Sucaad Carmiye Odowaa, Marwo Xaliimo Xuseen Yuusuf, Marwo Nimco Maxamed Cawaale, Marwo Amran Cali Bile iyo Muna Xuseen Khaliif oo ku hadashay magaca ururka HIIL HAWEEN oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday caqabadihii kala duwanaa ee ka qabsaday inay guul gaadhaan, waxana ay tilmaameen inay soo mareen jid dheer oo ay ka barteen casharro nololeed iyo kuwo siyaasadeed oo ay noloshooda dambe iyo mustaqbalkoodaba uga faa’iidaysan doonaan.