Wararka
Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wafdi Xildhibaanno Reer Jabuuti ah.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti xildhibaanno ah oo ka socda dalka Jabuuti, kuwaas oo qayb ka ahaa mas’uuliyiintii ka qayb-galaysay munaasibaddii 18-ka May.
waxaa kulankan madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha ayaa weftiga xildhibaannada ee ka socda waddanka Jabuuti ugu mahadceliyay waqtigoodi ay soo galiyiin in ay booqasha ku yimaadaan Somaliland.
Dhankale Xubnaha weftiga, ayaa dhankooda madaxweynaha uguy mahadceliyay soo dhaweynta wanagsan ee uu u sameeyay iyagoo salaam ay ka sideen madaxda kala duwan ee Jabuuti gaarsiiyay madaxweynaha.