Wararka
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kulan la qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo la xidhiidha xaaladda guud ee dalka.
Kulanka oo looga hadlay qodoba dhowr ah ayaa waxaa la’isku raacay:
1: In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.
2: In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.
3: In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.
Madaxweyne Muuse Biisi iyo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridku ayaa isku gartay in masuuliyiinta xisbiyada mucaaradka wada-tashi kula noqdaan xisbiyadooda, iyaga oo u ballamay kulammo dambe oo arrimaha lagu sii gorfayn doono.