Wararka

Madaxweynaha Somaliland Oo Khudbad Garnaqsi Ah Ka Jeediyey Shirka Waddamada Geeska Afrika Uga Qabsoomay Dalka Jabuuti.

Magaalada Djabuuti ee caasimada jamhuuriyada Jabuuti waxaa ka socda kulan Afar geesood ah oo ay yeesheen madaxda Waddamada Geeska Afrika sidoo kalena ay goob joog ka yihiin Dawladda Maraykanka, Ururka Midowga Afrika, Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD iyo Marti Sharaf kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo garnacsi ah ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday Taariikhda maamulka Somaliland waxaa uuna carabka ku adkeeyay talaabooyinka muuqda ee ka hanna qaaday maamulkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay muddo badani sugaysay in dalalka gobolka iyo kuwa caalamka mar u’n garowsadaan jiritaanka Somaliland ayna ku taahayeen kulan sidaan oo kale ay labada dhinac isku hor fariistaan si look ala gar naqsada.

Ugu dambayntii madaxweyneyaasha dalalka, Soomaaliya, Jabuuti, ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweyne Biixi waxa ay xarunta madaxtooyada dalka Jabuuti si wada jir ah uga beereen geed loogu magac daray geedka Nabadda Geeska Afrika.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: one or more people, people standing, suit, wedding and indoorImage may contain: 1 person, table and indoorImage may contain: one or more people, people standing and suitImage may contain: 1 person, standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close