Wararka

Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyeeyay Geerida Allah U naxariistee marxuum Xasan Guure Jaamac.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhamaan qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland kaga tacsiyeeyay Geerida Allah U naxariistee marxuum Xasan Guure Jaamac oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargayso ee caasimada Maamulkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi halgamaa ah oo kaalin weyn ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Sonmaliland, waxaa uuna sheegay in uu ahaa nabadoon markasto wanaaga ka shaqeyn jiray.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close