Wararka
Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Axmed Yuusuf.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Yuusuf Siciid oo kamid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.
marxuum Axmed Yuusuf Siciid ayaa dhawaanna ku geeriyooday dalka Ingiriiska waxana aaska ka qayb galay waxgaradka iyo hormoodka bulshada Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo goobta ka hadlay ayaa marxuumka ku sifeeyey haldoor bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa, kana tegay taariikh wax ku Ool ah oo aan la hilmaami Karin.