Wararka
Madaxweynaha Somaliland oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Hargaysa.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Hargaysa ee casamada maamulka Somaliland.
Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka ah, maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo agaasimeyaal guud.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ka wada-hadleen muddadii ay safarka shaqo halkaas ugu maqnaayeen, waxuuna sheegay in si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada.
“Waxa aad looga wada-hadlay is-kaashiga xagga nabadgelyada, sida aad og tihiinna mandaqadda waxa aad ugu soo xoogaysanaya Argagixisada oo meelo badan ku sugan, sidii arrintaas looga hor tagi lahaa, la isagana kaashan lahaa ayaa kamid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu wada-hadalkaasi ku saabsanaa.” Ayuu yiri Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud.