Wararka

Madaxweynaha Somaliland oo Booqday Aasaarta Qadiimiga ah ee Laas-Geel.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday goobta Aasaarta qadiimiga ahi ku duugan tahay ee Laasgeel, isagoo Xadhiga Ka jaray dayactir iyo Ceelal laga hirgeliyey goobtasi.

Madaxweynaha waxaa booqashadaan ku  wehelinaayay xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax-da dhaqanka, siyaasiyiin, maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo ka degmada Laas-geel.

gudoomiyaha degmada Laas-geel Mustafe Ibraahim Cismaan (Jebiye) oo goobta  ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey waxyaabaha taariikhiga ah ee deegaankaasi caanka ku yahay iyo weliba godad iyo dhagaxaan baaxad leh oo la filayo inay hoy iyo qasriyo u ahaayeen ummado hore halkaas u degenaa kumannaan sano ka hor.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Maxamud Xasan Saacid (Saajin), ayaa isaguna dhinaciisa faahfaahiyey muhiimadda ay Soomaaliland u leedahay goobta taariikhiga ah ee Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay wasaarad ahaan ilaalinteeda xil weyn iska saareen, kuna wareejiyeen deyr weyn iyo laydhka ku shaqeeya tamarta cadceeda.

Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay guud ahaanba hay’adaha Dalxiiska iyo cidkasta oo hawshaas ku shaqo leh, gaar ahaan dadka ilaaliya goobaha Laas-geel, waxana uu tilmaamay inay Somaliland caan ku tahay buqcad caan ku ah dalxiiska, islamarkaana loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.

“Waxan qabaa inuu dalxiisku yahay meel aynnu dhaqaale faro badan ka heli karno oo macdanta la daydayayo iyo xoolaha aynnu dhaqanno in badan ka badan karta, haddii aynnu helno farsamadeeda”Image may contain: 1 person, standingImage may contain: 2 people, outdoorImage may contain: one or more people, people standing, mountain, sky, outdoor and natureImage may contain: one or more people, people standing, child, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close