Wararka

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar ugu Ambo baxay Dalka Kenya.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar ugu ambo baxay dalka kenya , kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyatta.

Ahayeenka madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac oo ka warbixiyay safarka uu madaxweyne Muuse ugu baxay dalka Kenya ayaa sheegay in inta ay dalka Kenya ku sugan yihiin wafdiga Madaxweynaha ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta dalka Kenya.

Xubnaha weftiga ee madaxweynaha ku wehelinaya socdaalkiisa ee ka tirsan golaha wasiirrada, ayaa waxa kamid ahaa, Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri xaaji ismaaciil Baandare, horumarinta caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Horumarinta maalgashiga, Maxamed Axmed Cawad.Image may contain: one or more people, people standing, shoes and outdoorImage may contain: 1 person, standing and suitImage may contain: sky, aeroplane, outdoor and nature

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close