Wararka

Madaxweynaha Somailand Oo Kulan la qaatay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha guddida komishanka doorashooyinka Somaliland, waxana kulankaas diiradda lagu saaray hawlaha qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn Guddida Komishanka doorashooyinka Somaliland waxay madaxweynaha warbixin ka siiyeen hawlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan bilowga diwaangelinta codbixiyayaasha.

Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyay Komishanka doorashooyinka sida ay hawsha u wadaaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii ay hore ugu cayimeen inay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close