Wararka

Madaxweynaha Shiinaha oo safarkiisi ugu horeeyay ku tagay dalka Kuuryada Waqooyi.

Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping ayaa maanta gaaray caasimada  Kuuryada Waqooyi ee Pyongyang waxaana garoonka diyaaradaha ee dalkaasi ku soo dhaweeyay madaxweynaha Kuuryada Waqooyi Kim iyo xaaskiisa Ri Sol Ju.

Waa booqashadii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka madaxweyne la wareegay Xi Jinping ku tago Kuuryada waqooyi waxaa uuna wada hadalo la yeelan doonaa dhigiisa dalkaasi Kim.

Inkabadan 10,000 oo qof ayaa waddooyinka ubaxyo ku luxaayay kuwaas oo si heersare ah u soo dhaweynaayay madaxweynaha Shiinaha.

Labadaan waddan ayaa leh xiriir dhinacyo badan taabanaayo iyadoo uu madaxweynaha kuuryada Waqooyi uu afar mar safar kutagay dalka Shiinaha intii lagu jiray bishii Maarso ee sanadkii 2018.

Sidoo kale waxaa xasuus mudan in labadaan dalba aysan xeriir wanagsan la’laheen dowlada Maraykanka waxaana jiray shirar badan oo ay iskuugu imaadeen dowladaha Maraykanka iyo labadaan dal balse markasta fashil ku dhamaanaayay.

Dowlada Maraykanka iyo Shiinaha ayaa isku haayo dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga iyadoo ay dowlada Maraykanka ay ugu danbeyn cunaqabateen ku soo rogtay in shirkadaha laga leeyahay Maraykanka aysan wax qalabka Teknoolajiyada ka soo iibsan Karin shirkadaha laga leeyahay Shiinaha.

Sidoo kale dowlada Maraykanka iyo kuuryada Waqooyi ayaa isku haayo dhanka baac riminta Nukliyeerka iyadoo dowlada Maraykanka heshiis lagashay Kuuryada Waqooyi kaas oo ugu danbeyn aan dhaqan galin ka dib markii ay labada dhinac isku eedeeyeen in uu midba midka kale hagar daamo kuwado oo aysan daacadnima ka aheen.

Kulankaan uu madaxweyne Xi ku tagay dalka Kuuryada Waqooyi ayaa imaanaayo iyadoo lagu wado dalka Japan in lagu qabto shirka wadamada Burwaaqa sooranta oo loo yaqaano G-20 asbuuca soo aadan.Shiinaha ayaa samayn muuqata ku leh arrimaha bariga dhexe waxaana lafiliyaa in uu qadbad dhinacyo badan taabanayso ka jeediya shirkaasi.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close