Wararka
Madaxweynaha Puntland oo u baxay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntand Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha Puntland, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya in uu kulamo la qaatay madaxda ugu sarayso dalkaasi iyo masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ku leedahay Adis Ababa.