Wararka
Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay in soomaaliya uu ka dilaacay nidaam kaligii talis ah.
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad u jeediyay kal-fadhiga 44 aad ee golaha wakiilada Puntland, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay waxqabadkii xukuumaddiisa mudada ay shaqeynaysay.
Madaxweyne Deni Waxa uu sheegay, in xukuumaddiisu ay dardar-gelin ku samaysay dhinacyada amniga, siyaasadda, maamul-daadejinta, dib u-habaynta ciidamada, hagaajinta hannaanka caddaalada, horumarinta dhaqaalaha iyo maal-geshiga, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta hay’adaha dowladda, hirgelinta adeegyada aas’aasiga ah iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Dhinaca kale Madaxweyne Deni, ayaa khudbaddiisa ku soo qaaday, shirkii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee fashilka ku dhammaaday, isagoo sheegay in laga baaqsan karay burburka ku yimid shirkaasi, haddii dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tanaasul lahayd, maroorsiga iyo isku’keli-yeelidda talada dalka.