Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Shacab Caasimadda Garoowe Salaadda Ciidul Adxa kula oogey Garoonka kubadda cagta Mire Awaare.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka ku nool caasimadda Puntaland ee Garoowe kula oogey salaadda ciidul Adxaha, Garoonka kubadda cagta Mire Awaare.

Waxaa sidoo kale madaxweynaha Munaasabadda kala qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimmo, nabadoonno, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni ayaa dhammaan ummadda islaamka ah, ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland-ba ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidul adxaha.

“Marka ugu horaysan waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah ee adduunka, shacabka Soomaaliyeed, kuwa reer Puntland waxaan ugu hambalyaynayaa munaasibadda ciidul Adxa fadligeeda oo ah munaasibad ku weyn dadka muslimiinta ah, shalay carafaa la taagnaa, maantana muslimiintu waxay ku ciidaysaa Ciidul Adxa, waxaan Alle ka rajaynaynaa ummadda muslimiinta ah meelkastay joogto iyo dhibaatada ka jirta dalalka muslim ka ah inuu ka dulqaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wato ayaa waxaa uu umada Soomaaliyeed u rajeeyay in uu Eeba Siiyo caafimaad, Cilmi, nabadgelyo iyo deganaansho dhibaatooyinka haystana uu ka qaado. “Waxaan sidoo kale ummadda Soomaaliyeed u rajaynayaa cilmi fiican, nabadgelyo iyo deganaansho uu siiyo, dhibaatooyinka haystana uu ka dulqaado”.

Image may contain: one or more people, people standing, sky, shoes and outdoorImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 7 people, people sittingImage may contain: 6 peopleImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, crowd and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close