Wararka
Madaxweynaha Puntland oo safar ugu baxay Jabuuti.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne.
Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusii sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan.