Wararka
Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen.
Sidoo kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilkii ka qaaday Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowlad goboledka Puntland S/Guuto Bile Faarax Cali iyo G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa guul u rajeeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland waxaa uuna faray in uu guta waajibka Dastuurka ee saran.