Wararka

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan.

Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda hay’adda qaramada Midoobe ugu mahadceliyay sida ay u garab Istaaganyihiin dowlada Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ay kawada hadleen sidii la’iskuugu soo dhaweyn lahaadowlada federaalka iyo  dowladaha Xubnaha ka ah dowlada dhexe iyo arrimaha la xeriira kalaaragti duwanaanta ka taagan dowlada federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida uu madaxweynaha ugu jiro dadaalada isku soo dhaweynta dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close