Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ku dhawaaqay Shirweyne wadatashi.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, marxaladihii kala danbeeyay ee lasoo maray iyo sida ay hada wax u waddo Dowladda Federaalka ah oo Madaxweynuhu sheegay in aysan habooneyn.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay Shirweyne wadatashi oo 15-ka March 2020 lagu qaban doono Garoowe, Shirkaasi oo ay ka qeybgeli doonaan Goleyaasha dowlad goboleedka Puntland iyo Wakiillada ku metala Dowladda Federaalka ah, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka.

Shirwaynahaas ayuu madaxweynaha Puntland ku tilmaamay in looga tashan doona mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaalaynta Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland oo sidoo kale ka hadlay hadal uu dhawaan yiri wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu sheegay in aysan waxba ku darsan doonin dowlada federaalka ah waxaa uuna intaasi ku daray in ay dowlada federaalka kaliya kala dhaxayso Baasaboorka.

“Dadka Soomaaliyeed waxa loo dhigayo shaki ayaan ka qabnaa, waxa maalin dhaweyd idaacadaha ka maqlayseen nin jaamcadaha Muqdisho wax ka dhigayey oo la yidhi wuxuu ahaan jiray AL-shabaab, waxa noocaasa annaga waxba kuma darsaneyno,….Puntland iyada oo aan dowlad Soomaaliyeed jirin ayey ardaydu ka bixi jirtay, shahaado Xamar laga bixiyo mustaqbalkiina kuma xidhna anaa idiin caddaynaya, Baasaboorka keliya ayaa jira wax Qaran ka dhexeeya, shaahaadu waxay ku xidhan tahay hadba cidda haysa”. Ayuu yiri Deni.Image may contain: 3 people, people standing, suit and beardImage may contain: one or more people, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 20 people, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people standing and outdoor

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close