Wararka
Madaxweynaha Puntland oo kormeeray Wasaaradda dhowr ah.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada iyo xafiiska Ururka Haweenka Puntland.
Madaxweynaha ayaa mid mid u kormeeray Xafiisyada ay ka koobanyihiin xarumahaasi, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Duulista Hawada iyo Xafiiska Ururka Haweenka Puntland.
Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa masuuliyiinta kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan shaqada ay shacabka u hayaan oo ay tayeeyaan adeegyada ay bixiyaan.