Wararka

Madaxweynaha Puntland oo kormeer ku sameeyay xarumaha ay  ka socota Gurmadka Qardho.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Qardho ee Gobolka karkaar ayaa maanta kormeeray xarumaha ay  ka socota Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay.

Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta  Dowlad goboleedka Puntland Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga oo Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay ayaa ugu warbixiyay halka uu maraayo Gurmadka loo fidinaayo dadka dhibta soo gaartay.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota.Image may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, standing, shoes, sky and outdoorImage may contain: 1 person, standing, sky and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close