Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Ka Tacsiyeeyey Geerida G/sare Siyaad Xaaji Maxamed Bilcil.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo Kan dowladda-ba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii Ururka 19-aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland G/Sare Siyaad Xaaji Maxamed Bilcil oo ku geeriyoodey degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro samir iyo iimaanna kasiiyo ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni waxa uu si gaar ah tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee G/sare Siyaad Xaaji Maxamed Bilxil ula qaybsanayaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku, waxaana uu Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaalmariyo Jannatul Fadarsa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close