Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay dhaarinta wasiiro cusub oo uu dhawaan soo magacaabay.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta ka qeybgalay munaasabadda dhaarinta Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynuhu magacaabay oo maanta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey.

Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, halkaasi Wasiirada cusub uu dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah .

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeennada cusub, wuxuu marka hore Dowladda iyo Shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday maanta Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub ee maanta la dhaariyey kula dardaarmay in ay waajibaadka loo igmaday iyo masuuliyadda la saaray ay si wanaagsan u gutaan, isago alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo masuuliyiintan cusub ee dowladda kusoo biiray.Image may contain: one or more people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 2 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 1 person, standing, suit and indoorImage may contain: 2 people, people standing, suit and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close