Wararka
Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Bilawga Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad 2020 -2024.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024.
Madaxweynaha Puntalnd Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad ka jeediyey Daahfurka Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland waxaa uuna Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ku amaanay diyaarinta Qorshahani muhiim ka ah.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in qorshahaan uusan aheen mid siyaasad lug ku leh hormar ballaaranna u leh shacabka ku dhaqan deeganada Puntland.
“Maanta waxaan halkan u joognaa daahfurkii 4-aad ee diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, kani waa qorshaha horumarinta, qorshihii siyaasadeed ma ah, marka laga hadlaayo qorsha Horumarinta waxay inta badan xooggasaaraan horumarinta bulshada, horumarintaasi waxay ku tiirsan tahay inteeda badan deeqaha ay Puntland ka hesho hay’addaha” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadiisa ay ahmiyadda koowaad siinayso in dadka cashuurta laga helo ay kobciso fursadaha ay iyagu ku helilahaayeen dakhli inta aanay cashuur bixin ayna ku dadaali doonta sidii sidii loo horumarinlahaa Ganacsiga iyo Maalgashiga.
“Ahmiyadda koowaad dowladdu waxay siinaysaa in dadka cashuurta laga helo ay kobciso fursadaha ay iyagu ku helilahaayeen dakhli inta aanay cashuur bixin ayaan suurta gelinaynaa, ka hor waxaan xoogga saaraynaa sidii loo horumarinlahaa Ganacsiga iyo Maalgashiga”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Ugu danbeyn Madaxweyne Deni oo soo hadal qaaday habka dayn cafinta Soomaaliya loo marayo ayaa tilmaamay in laga hormariyo dayn cafinta qorshaha daynta lagu soo qaadanayo mar labaad si aanay sidii hore Soomaaliya ugu suntanaan, waxaana uu tilmamaay Madaxweynuhu in qorshe dhaba lagagaaro khayraadka magaca Soomaaliyeed lagu helo.
“Markaan ka hadlayno dowladda dhexe doodaha ugu weyn ee aan hay’addaha iyo beesha caalamka aan lagalnay waxaa kamid ah intaan danyta la cafin, intaan dalka loofurin albaabadiisa inuu soo qaato lacag marlabaad ku suntanaan doonta Soomaaliya, waa in laga heshiiyaa dhaqaalaha dalka soo gala oo aan ahayn midka si gaar ah loo siiyo, laakiin mid magaca Soomaaliyeed lagu soo qaatay oo ku noqonaaya daymihii hore ama deeq lasiiyey haddaan la ogeyn awoodaha lagu qaybinaayo, anagu ma oranayno qoondadaasaan rabnaa, balse waa inaan helnaa hab laga midaysan yahay maadaama dalku Federal yahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.