Wararka

Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Dhahar.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada gole ayaa maanta loogu soo dhoweeyay degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan.

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Maamulka Gobolka Haylaan, Kan degmada Dhahar, Hogaanka Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka iyo ardeyda.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbad u jeediyay shacabkii soo dhaweynta u sameeyay ayaa ka hadlay horumarka Puntland si gaar ah mashaariicda xarumaha waxbarasho Dowladdu ka hirgelinayso degmada Dhahar.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladiisa ay  dhisayso Wada Laami ah oo isku xirta ( Magaalooyinka Sheerbi –Dhahar illaa Xingalool), Sidoo kale wuxu Madaxweynuhu ku dhawaaqay hirgelinta xarumaha dowliga ah ee degmada.Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, people standing, outdoor and natureImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, sky, outdoor and natureImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close